Madaxweyne Laftagareen oo wada-hadal la yeeshay safiirka Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qadka Teleefonka kula hadlay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Richard H. Riley

 

Laftagareen iyo Safiirka Mareekanka ayaa iska Xog-Waraysta Xaalada Guud ee Dalka Dhinacyada Siyaasada iyo Amniga.

Sidoo kale waxaa wadahadalkan ka horreeyay mid kale oo uu madaxweynaha Koonfur Galbeed la yeeshay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay Mashaariicda Dhinacyada Hormarka iyo Dib U-Dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa Gaar ahaan Mashaaricda Adeegyada Bulshada iyo Kaabiyaasha Dhaqaalaha

Kulankan Madaxweyne Laftagareen waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga Hassan Cabduqaadir Maxamed iyo La-Taliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Xuseen Xasan Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here