Xog: Soomaaliya iyo Itoobiya oo markale wada-hadallo ku yeelanaya Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa markale wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doono magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, si dib loogu sii ambo qaado wada-hadalladii labada dhinac.

 

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in kulanka ay yeelanayaan labada dhinac uu Ankara ka qabsoomi doono 17-ka bishan September.

Wararka ayaaa sheegaya inay halkaasi isugu tegi doonaan wasiirada labada dowladdood oo ka wada-hadli doono xiisadda ka dhalatay damaca gurracan Itoobiya ee badda.

Kulankan ayaa noqonayo kii saddexaad oo ay yeelanayaan Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan oo hore.

Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneya mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland, halka weli Itoobiya ay dhankeeda ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo dhaqan-gelinta heshiiskaas oo ay ka carootay dowladdu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here