Xiisadda u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Masar oo cirka isku-shareertay

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya ee salka ku haysa biyo-xireenka webiga Niil, iyadoo labada dowladooda ay warqado iska soo horjeeda u diray Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Masar ayaa u sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, in Itoobiya iyadaa aan kala tashan Xukuumadda Qaahira ay dhameystirtay mashruuca biyo-xireenka webiga Niil, taasoo keentay inuu yaraado qulqulka biyihii gaari jiray Masar, waxayna dalbatay in lasoo farageliyo xiisada taagan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku tilmaantay eedeynta Masar “mid aan sal lahayn,” iyada oo ku andacoonaysa in Masar ay isku dayayso inay colaad ka huriso gobolka Geeska Afrika, si ay Itoobiya uga hor istaagto inay gaarta badda Soomaaliya, oo ay doonaysa inay dekad iyo saldhig ka sameysato.

Labada dhinac ayaa horay warqado u diray Qaramada Midoobay dhowr sano ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatti ayaa sheegay in biyo xireenka Niil uu halis weyn ku yahay xasilloonida gobolka uuna jabinayo heshiisyadii horay loo gaaray.

“Siyaasadda guracan ee Itoobiya waxay saameyn xun ku yeelan doontaa waddamada Geeska Afrika, oo Soomaaliya ay kamid tahay,” ayuu yiri Wasiirka.

Muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa qeyb ka ah Suudaan oo isna saameyn ku yeeshay biyo-xireenka Itoobiya ka sameysay webiga Niilka Buluuga, kaasoo soo socday mud 12 sano, iyadoo ku baxday in ka badan 5 bilyan oo dollarka Mareykanka.

Saddexda waddan ayaa bishii hore ku guul darraystay inay xal ka gaaraan wareeggii afraad ee wada xaajoodka. Tani waxay ka dhalatay fashilka ku yimid hindisaha Midowga Afrika oo lagu heshiisiinayo dalalkan iska haya, oo xiisadooda u muuqata inay Soomaaliya saameyn ku yeelan doonto, maadaama Ciidamo Masaari ah la geynayo gobolada xadka Itoobiya ku yaalla, sida Gedo, Baay iyo Bakool.

Waxaa la filayaa in dhawaan Ciidamada Masar iyo Soomaaliya isla sameeyaan dhoolatus militeri, oo gudaha Soomaaliya ka dhacaya. Itoobiya ayaa qaadey tallaabooyin ay ku adkaynayso difaaca xadkeeda, waxayna ciidamo badan geystay dowlad degaanka Soomaalida ee ku yaalla dhanka bariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here