Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay agaasimaha Hay’adda NIRA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Hayadda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha -NIRA, Md. Cabdiweli Cali Timacadde, ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan nidaamka diiwaan-gelinta.

 

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii loo diiwaan-galin lahaa dadka ku barakacay gudaha dalka ( IDPs)  waxaana la soo jeediyay in ay dowladda bixiso lacagta diiwaan-galinta dadka xerhaya barakaca ku jira, si loo yareeyo loogana hortago leexsashada gargaarka ee lagula kaco dadka nugul.

Ugu danbeeyn, labada Hay’adood ayaa ballan-qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeynta iyo badbaadinta dadka nugul ee ku barakacay gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here