Ciidanka PSF oo digniin u diray shacabka degan aagga garoonka Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada PSF ee ka howlgalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku aadan isticmaalka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

 

Taliska oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in garoonka loo beddalay xero ciidan, isla markaana askartooda oo dhaawac loo diiday in laga soo dhoofiyo garoonka.

PSF ayaa ugu baaqday shacabka inay isaga fogaadaan aagga garoonka, wuxuuna taliska ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo milatari.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah, waxaana uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaalad kacsanaan ah ayaa iminka laga dareemaya magaalada Boosaaso, taas oo u dhexeyo PSF iyo ciidamada booliska Puntland, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here