Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnad gargaar u dirtay Balcad + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah u dirtay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe halkaas oo degaanno hoos taga ay saameeyeen fataahaado uu sameeyey wabbiga Shabeelle.

 

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gargaarkaan oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan 5,000 oo qoys wuxuu ku wareejiyay Guddoomiyaha degmada Balcad Md. Qaasim Cali Nuur Furdug.

In kabadan 13,000 oo qoys ayaa ku barakacay fatahaaddaan, sidoo kale, waxa uu baabi’iyay 10 kun oo hectar oo beero ah kuwaas oo la filayay inuu sanadkaan ka soo go’o dalag kala duwan.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa sheegay in degaanno kale oo dhaca gobollada Hiraan iyo Shabeellada hoos oo uu ku fatahay wabbiga Shabeelle la gaarsiin doono gargaar bani’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here