Howlgal la isugu furayo degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo bilaabanaya

0

BALCAD (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan looga hadlayay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa inta u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar waxa uu la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Lugta Sarreeye Guuto Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale.

 

Sidoo kale kulanka waxa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad.

“Waxaan dadaal mid ah ugu jirnaa sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa Khawaarijta gaar ahaana Hirshabeelle.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u joogo degmada Balcad hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here