Maxkamadda Sare oo maanta go’aan ka gaareyso kiiska Sayid Cali Macalin

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta u fariisaneysa dhageysigii u dambeeyay dacwadda eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis, bilowgii sanadkaan, isla markaana ay u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray dabkaasi.

 

Dacwadaan ayaa soo martay Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Banaadir, waxayna kusoo rideen xukun dil toogasho ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Goordhow ayey bilaabaneysaa Dacwadda, waxaana si toos ah loogala socon doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here