Maleeshiyaad hubeysan oo Masaajid ku dhex dilay lix dhalinyaro ah

0

WARDHEER (SMN) – Wararka naga soo gaaraya dowlad deegaanka Somalida aaa sheegaya in saaka aroortii hore lix dhalinyaro ah lagu dhex dilay Masaajid ku yaalla magaalada Wardheere ee is-maamulkaasi.

 

Dhalinyarada oo ka tirsaneyd Culimada Ahlu Sunna ayaa waxaa weerar ku qaaday maleeshiyaad hubeysan oo mar qura rasaas oodda uga qaaday.

Qaar kamid ah dhalinyarada la laayay ayaa isku hayb ahaa, waxaana falkan si weyn uga argagaxay dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in falkan uu la xiriiro aano qabiil, iyada oo ay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale si weyn uga argagaxay falkan, waxaana soo wajahday cabsi ka dhalatay weerarkan lagu laayay culimada ku suganeyd masaajidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here