Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Sheekh Aadan Madoobe?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xubnaha guddiga warbixin kooban ka siiyay howlaha uu Goluhu Qaranka u haayo, sida ay muhiim u tahay ilaalinta guntanka ama kooramka kulamada Golaha iyo sidoo kalena in xildhibaanadda fasax la’aanta ka maqan kulamada Golaha Xeerhoosaadka la marsiiyo.

Dhinaca kale Guddoommiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Laxisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa xubnaha guddiga u faahfaahiyay arrimaha miisaaniyadda qaranka iyo mashaariicda ku jirta.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendayaasha kulamada guud ee Golaha, iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here