Tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay aagga xerada Xalane + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay aagga xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in illaa 5 hoobiye ay ku dhaceen xaafadaha u dhow xeyndaabka xerada oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in laba kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha xerada oo ay dagan yihiin ciidamada ATMIS, sidoo kalena ay ku yaallaan xarumaha safaaradaha reer galbeedka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac, kadib markii hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkan, waxaase soconayo baaritaano dheeraad ah.

Weerarada hoobiyeyaasha ah ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, mana jirto ka hortag iyo ka daba tag ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here