Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqii magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay ka hadlay arrimo xasaasi ah.

 

Taabit ayaa qoraalkiisa ku sheegay in marka hore madaxweynaha loo baahan yahay inuu tallaabo ka qaado mas’uuliyiinta ka tirsan dowladdiisa ee ‘aflagaadada gaystay’ si ay u rumowdo khudbadda uu uga hadlay wanaagga isku kaashada, xumahana iska reeba.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta xakameyna hubka, wuxuuna ka horyimid go’aanka madaxweynaha ee ah in qof kasta ee hub haysta saq-dhexe lagu weerari doono gurigiisa.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Madaxweyne haddii ficilkaagu khayr iyo wanaag yeesho dadkuna intaa iyo in la eg ka fillo, balse marka hore kuwa aflagaadada gaystay ee dowladdaada ka tirsan tallaabo ka qaad, markaas bay rummoobeysaa wanaagga isku kaashada, xumahana iska reeba.

Mida kale xakamaynta hubka habraac iyo nidaam dowladdeed soo ma lahan mise sagaal saac habeennimo in la is weerraro ayuu ka bilowdaa.

In saqdhexe la isku duullo, duul baa ku jabay hortaa, dowladna laguma hagi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here