Itoobiya oo sheegtay in maamulo katirsan Soomaaliya ay rabaan inay ku biiraan dalkaas

0

ADDIS ABABA – Professor Brook Hailu oo xilal sare kasoo qabtay dowladda Itoobiya ayaa wareysi uu siiyay Itoobiyan TV ku sheegay in midnimada Soomaaliya ay burburtay islamarkaana dalka uu sii kala tagayo, isagoo tilmaamay inay adag tahay markale inuu noqdo Qaran Mideysan.

 

“Dalka Soomaaliya hadda waa kala qaybsamay, waana sii qeybsami doonaa, Somaliland ayaa tagtay, waxaana wadadaas ku socda Puntland, oo iskeeda isku maamusha xiligan, Qaran Mideysan ma noqon karto Soomaaliya mar 2aad, mana ahan in ay noqoto”, ayuu yiri Professor Brook Hailu.

Wareysiga ayaa sidoo kale Professor Brook Hailu uga hadlay heshiiska difaaca ee Soomaaiya iyo Masar iyo Ciidanka Masaarida ee la filayo inay dalka yimaadaa, si ay uga qeyb galaan howlgalka cusub ee Midowga Africa, oo billaabanaya bisha Jan. 2025.

“Somaliland baa ka baxday midnimada Somalia, Puntland-na waxay bedeshay istaraatiijiyadeeda hore, kadib markii ay aad uga niyad jabtay go’aanada iyo habdhaqanka dowlada Federaalka Soomaaliya, oo ay kamid tahay inay dalka ku casuuntay Ciidamada Masar, oo kasoo horjeysatay, waxay hadda Puntland ka fekeraysaa gooni u goosad iyo madax-banaani si lamid ah Somaliland,, Sidoo kale HirShabelle ayaa ka fekeraysa inay go’do, waxayna maamuladan sameyn karaa isbahaysi, cidna kama hor istaagi karto inay Itoobiya ku biiraan”.

Professor Brook Hailu, oo la sheegay inuu la-taliye u yahay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu daboolka ka qaadey in Puntland ay isku dayday inay ku biirto Itoobiya xiligii uu dalka ka talinayay rajiimkii Meles Zanawi. Wuxuu diblomaasiga hore ee Itoobiya xusay in ay Itoobiya filayso in 5ta ama 10ka sano ee soo socda ay gobol cusub oo katirsan Soomaaliya ay ku dhawaaqaaan madax-banaani.

Hadalkan diblomaasiga kasoo yeeray ayaa imaanaya xili xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya sii xumaanayso, islamarkaana dowladda Federaalka maalintii shalay ku eedeysay Itoobiya inay labo gaari oo hub ah usoo dirtay maamulka Puntland, taasoo khatar ku ah xasiloonida dalka iyo wadajirkiisa.

Turkiga ayaa sameynayo dadaalo uu ku heshiisinayo labada dal, iyadoo wadahadalo u dhaxeeya wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaceen Ankara, sidoo kalena la filayo in wajiga 3aad ay isagu yimaadaan marka laga soo laabto shirka loo dhan yahay ee QM, oo dhacaya dhamaadka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here