Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada-hadlay dagaalka Al-Shabaab + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan looga hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab la qaatay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell,

 

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray qorshaha dagaal iyo sidii loo xoreyn lahaa goobaha wili Al-Shabaab kaga sugan yihiin dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, lagagana saaro goobaha ay weli ka joogaan dalka.

Taliyaha ciidanka Xoogga Ibraahim Sheikh Muxudiin oo madasha ka hadlay ayaa dowladda Mareykanka u sheegay inay muhiim uyihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah Shabaab, waxayna ballan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxdaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here