Daawo: Wasiir hore Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

 

Axmed Ciise Cawad ayaa si weyn uga horyimid xayiraadda duulimaad ee ay todobaadkan soo rogtay dowladda dhex, taas oo saameysay xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday xiisadda iyana ka taagan garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo ay isku hayaan ciidamada PSF iyo maamulka Puntland.

“Waa in la ogaadaa in aa nina awood u lahayn qof muwaadin ah xuquuqdiisa aas-aasiga ah inuu ku xad-gudbo” ayuu wareysiga ku yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh is kama lahan, madaxweynaha iyo qabiilkiisa in ay dalka leeyihiin ayaa hada loo malaynayaa”.

Halkan hoose ka daawo Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here