Wasiirka Difaaca XFS oo war xasaasi ah kasoo saaray xiisadda ka taagan dalka

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan taagan.

 

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay.

“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay, Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda wayn ee Muqdisho uu kusoo xirtay markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here