Wasiir Fiqi oo la kulmay wasiirada arrimaha dibadda Eritrea iyo Masar

0

NEW YORK (SMN) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

 

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa kulan doceed la yeeshay Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, intii lagu guda jiray UNGA79, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga gobolka, nabadda, amniga, iyo caqabadaha Geeska Afrika.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here