Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xil cusub u magacaabay Sulub Axmed Firin

0

MUQDISHO (SMN) –  Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.

 

Golaha Wasiiradda ayaa lagu wadaa in ay iyaguna maanta oo khamiis ah ansixiyaan  Magacaabista Taliyaha Cusub ee Booliiska Asad Cabdullaahi Diyaano.

Warar soo baxayey mudooyinkan oo la xiriiray in RW Xamse uu geed dheer iyo mid gaaban ba uu u koray in uu xilka ku siihayo Taliyaha la bedelay Sulub Axmed Firrin oo ay isku heyb yihiin ayaa u muuqanaya kuwo xaqiiqo ah marka aad fiirisid magacaabista cusub ee Sulub loo sameeyay ka hor inta aan laga ceyrin xilka Taliyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here