Ciidamada DF oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

AWDHEEGLE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka ay howlgal culus ka fuliyeen aagga degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dilay xubno iyo saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ayaa u qornaa sidatan:-

Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo kawada tirsan Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ay horjoogayaal ku jiraan.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM ujira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay Khawaarijta ka wadeen is Aruursi iyo Shirar ay ku Abaabulayeen dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Balse waxaa qorshahoodii fashiliyay Geesiyaasha Qarankeenna oo u daatay, khasaarre kala duwanna gaarsiiyay Khawaarijta aan Arxanka laheyn ee Argagixisada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here