Ra’iisul wasaare Xamza oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Imaaraadka Carabta + Sawirro

0

NEW YORK (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro Dowlaha ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha dhaqaalaaha, ammaanka iyo guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ay kula jiro Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaraha horay kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here