Hay’adda SoDMA oo is-afgarad muhiim ah la saxiixatay qaar kamid ah jaamacadaha dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa is-afgarad la xariira cilmi-baarista musiibooyinka, tababarrada iyo soo saarista cudud shaqaale oo taqasus u leh cilmiga maareeynta khataraha musiibooyinka, la saxiixatay qaar kamid ah jaamacadaha dalka.

 

Jaamacadahaan oo ku mideysan Dalladda Jaamacadaha ee u Adkaysiga Musiibooyinka iyo Isbaddalka Cimillada (Universities Consortium for Disaster and Climate Resilience) waaxaa Is-afgaradkaan u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda Simad Dr. Cabdikariin Muxudiin Axmed.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle oo aad u bogaadiyay kaalinta jaamacadaha waddanka ayaa xusay in cilmi-baarisyada xagga jaamacadaha ah ay xal u noqon karaan qeybo ka mid ah mushkiladaha dalka ka taagan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here