Ciidanka Puntland oo gacanta kusoo dhigay nin loo haysto burcadbadeednimo

0

GAROOWW (SMN) – Hawlgal ay si wadajir ah ufuliyeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal iyo Ciidanka PMPF ayaa saaka aroor nimadii gacnta ay ku soodhigeen Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) kaas oo kamid ahaa Burcad badeedii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh.

 

Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Markabka MV Abdullah ayaa la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo badwabka deegaankaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here