Danjire Jibriil oo safaaradda Nairobi kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Aqalka Sare

0

NAIROBI (SMN) – Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo qaar ka mid ah diblomaasiyinta Safaaradda ayaa xarunta ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kormeer ku yimid xarunta Safaaradda.

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uga warbixiyay howlaha ay Safaaradda u heyso bulshada Soomaaliyeed ee dal iyo dibad uga yimaada, isagoo xusay in xarunta ay tahay Safaaradda ugu weyne ee ay Soomaaliya ku leedahay dalka dibadiisa.

Danjire Jabriil ayaa sidoo kale Guddoomiyaha u sharxay wada shaqeynta kala.dhexeyso Jaaliyadda iyo Guddiga Ganacsatada Islii oo uu xusay inay door muhiim ah ka qaataan adeegyada Safaaradda u heyso bulshada, isla markaana ay iyagu gacanta ku hayaan dhismaha Masjidka laga dhissyo xarunta Safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya mar uu ka hadlayay xirirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayuu ku sheegay in uu marayo heerkii ugu sareeyay, isla markaana uu ku dadaalayo xoojinta xiriirka wax wada qabsi ee labada dal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta Safaaradda, sida qeybta bixnta baasaboorada oo laga siiyay hanaanka ay u shaqeeyaan, dhismaha cusub ee Safiirka loo dhisay, Masjidka laga hirgelinayo xarunta Safaaradda kadib markii uu yaraaday kii hore iyo qeybaha kale ee ay Safaaraddu ku shaqeyso.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey ayaa ku bogaadiyay Safiirka iyo howlwadeenada kale ee Safaaradda adeegyada ay u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, ayna sii labo jibaaran gudashada waajibaadka loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here