Wafdi ka socda QM oo ka qeyb-galay Shirka Golaha Guud ee QM + Sawirro

0

NEW YORK (SMN)  – Wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo uu ugu horeeyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS, Dr Mohamed Hassan Mohamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Abdijalil Sheikh Ali ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkan oo looga hadlaayay khatarta Caafimaad ee adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah.

 

Kulanka oo uu furay Madaxweynaha Golaha Guud Mr. Philemon Yang ayaa waxaa lagu ansixiyay siyaasadda ka hortaga khatarta adkeysiga Daawooyinka jeermis dilaha ah,  kulanka ayaa sidoo kale goob joog waxaa ka ahaa Xoghaye ku xigeenka Qaramada Midoobay Mr. Aamina, Xoghayaha guud ee Hey’adda Caafimaadka aduunka Dr. Tedros Adhenom, Xoghayaha Hey’aha deegaanka aduunka Ms. Inger Andersen, Xoghayaha Hey’adda Caafimaadka Xoolaha Dr. Emmanuelle Soubeyran, iyo Xoghahaya Hey’adda cunada aduunka,

Xoghaye ku xigeenka qaramada midoobay Mr Aamina oo ka hadashay kulanka ayaa ku boorisay dalalka aduunka in ay qaadaan taalaabooyin wax ku ool ah ee wax looga qabanaayo khatarta adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah,

Sido kale Xoghaya guud caafimaadka aduunka Dr Tedros Adhenom ayaa ku nuux nuuxsaday sida lama huraan u tahay in dadaal wadajir ah aduunyado sameyso si khatartaan looga badbaadiyo jiilalka soo socdo,

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Guuleed Abdijaliil oo khudbad ka jeediyay ayaa sharaxay dadaalada Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ee ay wax uga qabanayso sidii looga hortagi lahaa khatarta ka dhalata Adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah,

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Mohamed Hassan Mohamed Bulaale oo isna ka hadlay ayaa ka dalbaday aduunyada in Soomaaliya laga taageero sidi ay wax ugu qaban lahayd khatarta ka dhalata Adkeysiga Daawooyinka Jeermis dilaha ah,

Ugu danbeyn shirka ayaa lasoo gababeeyay iyadoo la isku waafaqay in la dhaqan galiyo siyaasadda ka hortaga khatarta Adkeysiga Daawooyinka Jeermis dilaha ah ee Sanadkaan looga hadlay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here