MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo ay ku meel-mariyeen sharci muhiim ah.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Sharcigan ayaa waxaa ogolaatay 137-Xildhibaan, 2 Xildhibaannna waa ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.