Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay qabsatay garoomada Gedo

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramay Telefeshinka Al-jazeera ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin uga sii daraya xiisadda, isla markaana ciidankeeda ay la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay gudaha dalka, isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa’il oo deegaanka ah.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay gobolka Gedo laga dareemayay dhaq-dhaqaaq ay ka sameynayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here