Heshiisiinta Xasan Sheekh iyo Deni oo bilaabatay kahor Shirka Golaha Wadatashiga

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowr jeer oo hore baaqday, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

 

Shirka ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, marka laga reebo madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni.

Waxaa sidoo kale shirka Golaha qorshuhu yahay in uu kasoo qeyb-galo Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen oo kal hore ka biyo diidsanaa in Muqdisho uu uga qeyb galo Shirka Wadatashiga Qaranka kadib khilaaf siyaasi ah oo soo kala dhex galay maamulkiisa iyo dowladda dhexe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  Madaxweynaha Jubanald oo maalin kahor dib ugu laabtay Jubbaland ayaa isna ka qeyb gali doono shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horraanta bisha soo socota ka furmi doono gudaha magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan looga hadli doonaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo sidii goluhu go’aan mideysan uga qaadan lahaa xaaladaha taagan.

Dhinaca kale xubno aqoonyahanno ah oo dhawaan magaalada Garawe kula soo kulmay madaxweynaha Puntlaand Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kulan la yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahan aqoonyahanka ah ayaa la sheegay in ay isa soo arkeen madaxweyne Deni, waxa ayna rabaan in madaxweyne Xasan ay la wadaagaan aragtida Deni iyo xalka sidii loogu heli lahaa khilaafka xoogan ee Villa Soomaaliya kala dhaxeeya maamulka Puntland ee majaraha uu u haayo Saciid Dani.

Puntland ayaan horay uga qeyb gelin shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen Muqdisho iyaga oo qaadacay dhammaan qodobadii kasoo baxay.

Maamulka Saciid Deni ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada in ay majaxaabinayaan waxyaabihii lagu heshiiyay isla-markaana dowladda dhexe ay isku soo koobtay dhammaan awoodaha.

 Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here