Muwaadin Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Koonfur Afrika

0

JOHANNESBURG (SMN) – Muwaadin Soomaali ah ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay bartamaha waddada Bird Street ee xaafadda ay Soomaalida degan tahay ee Mayfair ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir (Tooreey), sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Koox hubeysan oo wadatay gaari ayaa sida la sheegay rasaas ku furay gaari uu saarnaa marxuumka iyo muwaadin kale oo uu dhaawac soo gaaray.

Booliska magaalada Johannesburg oo goobta gaaray ayaa sheegay in ay baarayaan falka toogashada ah oo loo adeegsaday qoray AK47 oo ay ka dhacday 20 xabadood.

Dilal loo gaysanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa noqdey kuwa xargaha goostay, iyadoo Booliska Koonfur Afrika ay ku guul dareysteen joojinta dilalakaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here