Dib u habeyn lagu sameeyay Xeerka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir lagu soo bandhigaayay Dib-u-habeynta lagu sameeyay Xeerka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

La-Taliyaha Sharciga iyo Xafiiska Garyaqaanka Gobalka Banaadir ayaa soo bandhigay dib-u-habeynta lagu sameeyay xeerkaan oo in muddo ah laga shaqeenaayay iyo muhiimada ay u leedahay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, taasi oo hageysa kala sareynta, xuquuqaha shaqaalaha Degmooyinka iyo nidaamka shaqo ee Degmada.

Madaxda Maamulada Degmooyinka oo dood ka yeeshay hanaanka dib-u-habeynta Xeerkan, ayaa la isla qaatay in guddi farsamo oo dhinaca Maamulada Degmooyinka ah loo xil saaro si muddo gaaban ay xeerkaan ugu soo biiriyaan talooyinkooda.

Duqa Muqdisho oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday Ahmiyadda uu Xeerkan u leeyahay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, asigoona xusay in xeerkaan uu bulshada u fududeyn doonno la xisaabtanka Maamulada Degmooyinka iyo helida adeeg hufan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here