Jabuuti oo weli jawaab ka sugeyso Itoobiya kadib dekaddii ay u bandhigtay

0

JABUUTI (SMN) – Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in ay weli Itoobiya ka sugayaan in ay aqbasho soo jeedintooda ku aaddan adeegsiga dekedda Tojorah.

 

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada ugu weyn oo ay adeegsiga dekedda Tojorah ugu bandhigeen Itoobiya ay tahay, si loo xalliyo xiisaddii ka dhalatay MOU-gii badda ee sababay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay hadii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti in ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan, sida in ay wada abuuraan shirkad ganacsi taasi oo dhaqaalaha labada dal kor u qaadi doonta, waxaanu sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here