Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska oo qaaday tallaabadii ugu horreysay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Amniga XFS mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka  Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed  Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

 

Wasiirka  iyo Taliyaha ayaa u kuur galay hannaanka shaqo ee Hoggaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee  Ciidanka  Boliiska, wuxuuna Wasiir halkaas ugu Kala wareejiyey Galka Guud  iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Waxaana si buuxda ula wareegey  Xafiiska Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad  Cusmaa Cabdulaahi.

Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardar galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka  Boliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here