Sawirro: Maxay ka wada-hadleen taliyaha cusub ee Booliska iyo safiirka Talyaaniga?

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Amb. Mario Daccò Coppi.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay ladagaallanka argagixisada, kordhinta tababarada iyo taageerada Dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorka Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here