Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cusmaan (Diyaano) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore ee Booliska Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho.

 

 

Taliyaha cusub oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in aysan shaqadiisu ku koobnaan doonin oo keliya ka daba tagidda fal-danbiyeedyada iyo fulinta sharciga balse uu kor u qaadi doono ka hortagidda qataraha si shacabkeennu uu nabad ugu noolaado, wuxuuna xusay in uu curin doonno qorsha lagu xoojinayo Amniga oo ku saleysan Cilmi iyo Khibrad.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qayb-galay munaasbadda ayaa sheegay in Taliyaha cusub uu khibrad weyn u leeyahay ladagaallanka Khawaarijta, wuxuuna sheegay inuu wax abadan kusoo kordhin doono Booliska Soomaaliyeed.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa u mahad celiyay guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliye Sulub oo wax weyn ka qabtay amniga caasimada asaga oo kaashanaya Ciidanka Qalabka sida.

Labada taliye ayaa waxa y shalay la kala wareegeen Faylasha Ciidanka Booliska, iyagoo kormeer uu ku wehliayay Wasiirka Amniga ku gaalaa bixiyay xarunta Taliska Booliska iyo qaybaha ay ka kooban tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here