Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ciidamo kala soo degay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN)  –   Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

 

Laftagareen ayaa la yimdi Muqdisho ciidamo hubeysan oo kamid ah ilaaladiisa gaarka ah, kuwaas oo la sheegay inay sugi doonaan amnigiisa, inta uu joogo magaalada Muqdisho.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jira Dalka

Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here