Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Mercy Corps

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo Madaxa Hay’adda Mercy Corps, Md. Da’ud Adan Jiran.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo sidii labada dhinac u yeelan lahaayeen wada-shaqeyn, una wadaagi lahaayeen xogaha muhiimka ah ee la xariira soo kabashada, adkeysiga iyo hormarka.

Mercy Corps waa hay’ad bini’aadannimo oo bixisa taageero la xariirta sidii dadka nugul ee dufuuraha nololeed la daalaa-dhacaya u soo kaban lahaayeen, waxayna dalka ka howl-galaysaa ku dhawaad 20 sano.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here