Madaxda shirka ku leh Muqdisho oo looga digay inay sameystaan muddo kororsi

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee haatan shirka ku leh gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga digay inay sameystaan muddo kororsi horleh, si uusan dalka uu gelin xaalad siyaasadeed oo horleh.

 

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in madaxda shirsan looga baahan mas’uuliyad iyo inay ka fogaadaan muddo kororsi abuurayo khilaaf hor leh.

“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Mudane Xasan Cali Khayre.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna.

Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.

Sharciyaddu waa ruuxda dowladnimada, waxaana bixiya dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharcidarro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka.

Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

Ugu dambeyntii, si loo samatabixiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, waa in xal waara loo helaa tabashooyinka Puntland, lagana qeybgeliyo geeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka, si looga fogaado wax waliba oo sii kordhin kara khilaaf, kala-shaki, iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here