Shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Muqdisho oo galay maalintii 4-aad

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si habsami leh uga socdo xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho,iyada oo maantana uu galay maalintii afaraad ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.

 

Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha.

Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay.

“Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Xudeyfi Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay maalintii afaraad ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta berito ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here