Mahad Salaad oo la kulmay guddiga dhismaha dekadda Hobyo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Musharraxa madaxweynaha Galmudug, Mahad Salaad, ayaa la kulmay guddiga gacanta ku haya dhismaha dekadda Hobyo.

 

Kulankan ayaa looga hadlay horumarka iyo dadaallada lagu xoojinayo mashruuca dhismaha dekadda, taas oo leh muhiimad istaraatiiji ah oo weyn, maadaama Hobyo ay tahay marin muhiim ah oo ganacsi iyo isu-socod dhaqaale oo gobollada dhexe iyo guud ahaan Soomaaliya ah.

Mahad Salaad ayaa bogaadiyey hawlaha ay guddigu wadaan, isaga oo carabka ku adkeeyey in dekaddu ay fure u noqon doonto kobcinta dhaqaalaha Galmudug iyo Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo dardargelin lahaa dhismaha iyo horumarinta dekadda.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo dheeri ah si dhismaha dekaddu u dhammaado waqtiga loogu talagalay.

Dekadda Hobyo ayaa ah mid muhiim ah oo qayb ka noqon karta horumarinta ganacsiga gobolka, iyadoo suurtagal ka dhigaysa in badeecooyinka iyo ganacsiga dibadda loo soo marsiiyo Hobyo, taas oo yareyn karta ku tiirsanaanta dekadaha kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here