Birhanu Jula: DF oo aan Muqdisho maamuli karin, lama dagaalami karto Itoobiya 

0

ADDIS ABABA – General Birhanu Jula, taliyaha Ciidamada militeriga Itoobiya ayaa markale u gefay dowladda Soomaaliya, oo ku tilmaamay mid dafiic ah, oo xitaa aysan maamuli karin magaaladda Muqdisho, iyadoo aysan haysan taageeradda Ciidamada Itoobiya.

 

Wareysi uu siiyay TV-ga dowladda Itoobiya ayuu General Birhanu Jula ku sheegay in Ciidamada Itoobiya la’aantood aysan jiri lahayn dowladda Soomaaliya, islamarkaana Al-Shabaab kala wareegi lahayd magaalooyin badan oo Caasimadda Muqdisho.

“Ciidanka Militeriga Soomaaliya iyo Xasan Sheekh ma lahan awood ay ku maamulaan Muqdisho, iskaba daaye inay la dagaalamaan dowladda Itoobiya, Ciidamadeena ayaa hadda ka caawiya dowladda Soomaaliya inay gacanta ku hayso islamarkaana ku shaqeyso Muqdisho,” General Birhanu Jula.

Taliyaha ciidamada difaaca Itoobiya General Birhanu Jula ayaa sheegay dhowr bilood kahor in ciidamada Itoobiya ay maamulaan 60% dhulka Soomaaliya, hadii ay baxaanna aysan dowladda Federaalka sii joogi karin magaalada Muqdisho.

Jeneral Birhanu Jula ayaa saddex jeer oo hore loo soo diray gudaha dalka Soomaaliya isagoo hoggaaminaya ciidamada Itoobiya sannadihii 2007 ilaa 2009, waxaana meelaha uu ka soo shaqeeyay ay kala ahaayeen gobollada Baay, Bakool iyo Galgaduud oo uu joogay sanadihii 2010 ilaa 2013.

Isagoo la hadlayay TV-ga Qaranka Itoobiya ee ETV, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay ciidamadooda, kuwaasoo ku sugan gobollo badan, isagoo sheegay in Itoobiya ay u daadisay dhiig badan, askar badanna ay uga dhinteen sugida amniga Soomaaliya iyo dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadalka General Birhanu Jula ayaa imaanaya xilli ay jirto xiisad ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland dhexmaray 1-dii bishii January ee sanadkan, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu arrinta badda kala hadlo Abiy Axmed oo codsaday inuu la kulmo dhowr jeer.

Turkiga ayaa hadda dhex dhexaadinaya labada dal, iyadoo la filayo in wareegii 3aad ee wadahadallada ay ka furmana dhawaan magaaladda Ankara, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac wali ku dhegan yihiin mowqifkoodii hore, ee ku saabsan heshiiska badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in wax gorgortan ah ka galayn in Itoobiya ay qaadato taako kamid ah badda dalka, waxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqey Abiy Axmed inuu wado sharci ah usoo maro isticmaalka dekadaha Soomaaliya, si lamid ah dalalka kale Africa ku yaalla ee aan lahayn badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here