Axmed Madoobe oo ka tegay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa, isaga oo gebi ahaan isaga baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka socday Muqdisho.

 

Safarka Axmed Madoobe ee maanta ayaa ka dhigan in uu fashilmay shirkii madasha ee maalmahaan Muqdisho uga socday Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aan laga hadli karin doorasho iyo masiirka umadda ilaa shirka ay ka soo qeyb galaan Puntland iyo SSC-KHAATUMO.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xamse ayaa isku day badan sameeyay si Axmed Madoobe ay ugu qanciyaan ajandahooda Siyaasadeed balse kuma aysan guuleysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u lumisay xiriirka Puntland, waxaana muuqata in Jubaland ay wadadaas qaaday.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here