Muxuu Madaale ka yiri Naqshadeynta Biyo Mareenada Muqdisho? + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigaayay wejiga 1-aad ee daraasada Naqshadeynta Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.

 

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) daraasadaasi oo lagu soo bandhigay qorshe faah-faahsan oo sawir buuxa ka bixinaaya biyo qabadyada Magaalada Muqdisho iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu nuux nuuxsaday ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta biyo-mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda qaranka.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Madaxda Hey’adda UNOPS, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Maamulaha Guud ee Mashruuca Nagaad, Madaxda Rugta Ganacsiga, Madaxda Bangiyadda, Injineero, Daneeyeyaal iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here