Xildhibaanada BF Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 31-aad ee Kalfadhiga 5-aad,waxaana guntanka ama kooramka kulanka uu kulamo la qaadan furmay 143-Xildhibaan.

 

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta ah hindise sharciyeedyada kala ah hindise sharciyeedka abuurka iyo noocyada Ayniga dhir beereedka iyo hindise sharciyeedka Badbaadada dhir beereedka iyo Takoorka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u codeeyay labadan hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ogolaaday oo codka ogol siiyay 143-Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan iyo mid ka aamusay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta labadan hindise sharciyeed oo muhiim ahaa iyo talooyinka ay ku biiriyeen mudada ay socdeen doodaha iyo soojeedimaha.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta labadan hindise sharciyeed, isagoo sheegay in loo gudbinayo Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here