RW Xamse oo soo bandhigay guulaha laga gaaray shirka golaha wadatashiga qaran

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran oo maalmahan ka socday Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna xusay in kulanka 10-aad ee Golaha lagu soo bandhigay Ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta la dagaallanka khawaarijta, xoreynta dalka, dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Mudane Xamsa ayaa intaa raaciyay in madaxda kasoo qayb gashay shirka ay ku jiraan wada tashiyo la xiriira qodobbada qaarkood oo muhiim ah, wuxuuna sheegay in marka uu kulanku dhamaado laga soo saari doono war-murtiyeed, isagoo u rajeeyay in shirku uu kusoo dhamaado guul.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, gobanimada, Qarannimada Soomaaliyeed, dhowrista karaamada Umadda iyo inaan ka fogaanno wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here