Laftagareen oo bilaabay dadaallo uu isugu soo dhaweynayo Xasan & Deni

0

MUQDISHO (SMN) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu bilaabay dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni, si loo dhameeyo khilaafka dhexdooda ah.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in wada-hallada ay hada marayaan meel fiican, waxaana kadib xigi doonto in  wada-hadalsiiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Laftagareen Muqdisho kula kulmay xildhibaanada laga soo doortay Puntland oo uu kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa xiisadda taagan oo saameysay wada shaqeyntii labada dhinac.

Dadaalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli nagaalada Muqdisho ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran oo meel xasaasi ah marayo, waxaana isaga baxay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka biyo diiday arrinta doorashada, kadibna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here