Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah ka furay Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ka daahfurtay shir ku saabsan ka digista xaaladaha halis wadareedka.

 

Shirkaan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka digista xaaladaha halis wadareedka, waxaana shirkaan daah-furay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, kaasi oo ay ka qeybgaleen Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Hay’ada Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa xaaladaha ka digista qataraha oo ay sababaan fatahaadaha iyo abaaraha ee ka dhaca dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here