Bacaha Halka-Mar la Isticmaalo oo lagu gubay Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya (SMN)– Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa qabtay bacaha halka-mar la isticmaalo islamarkaana ku gubay magaalada Muqdisho, si ay u xoojiyaan amarkii ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee looga mamnuucay guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Amarka Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhaqan galay Magaalada Muqdisho iyo Gobollada ayaa lagu mamnuucay  soo dejinta, soo saarista, ka ganacsiga, iyo isticmaalka bacahan.

Shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya ayaa lagu boorinayay inay la yimaadaan fikrado cusub beddelli kara isticmaalka bacahan si loo ilaaliyo islamarkaana loo abuur degaan badqaba.

Bacaha halka-mar la isticmaalayo waxay si weyn saameyn ugu yeesheen muuqaalka iyo bilicda dalka iyagoo abuuray nadaafad-darro iyo bad-qab la’aan dhanka degaanka iyadoo xusid mudan in bacaha nuucan ay sidoo kale saameyn ku yeeshaan nidaamka biyo-mareennada, waxayna saameyntoodu gaartay ilaa webiyada. Qashinka inta badan la gubo waxaa u badan bacaha nuucan, waxaana ay sii daayaan sun halisteeda wadata. Sidoo kale, waxay khatar weyn ku yihiin xoolaha marka ay cunaan u keeni karta dhibaatooyin caafimaad.

Isagoo la hadlayay saxaafadda, Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan ayaa sheegay in talaabo sharci ah la qaadi doono dadka ganacsada ama soo dejinaya bacahan. Wuxuuna sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo bad-qabka Degaanka islamarkaana loo hoggaasamo amarka Wasaarada Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa bogaadisay howsha uu Taliska Booliska Soomaaliya ku xoojinayo mamnuucida bacaha halka-mar-isticmaalo.

Wasiirad Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa weli dalka ka wada ololaha wacyigelin oo lagu barayo bulshada Soomaaliyeed khataraha deegaanka iyo midka caafimaad ee ay keeni karaan bacahan.

Wasiirad Al-Makhzoumi ayaa carabka ku adkeysay muhiimadda mamnuucidda bacahan, iyadoona xustay in ay qaadeen tallaabooyin wax looga wax weliba oo halis ku ah badqabka degaanka, waxaana ay ku boorisay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada inay la yimaadaan qorshe ka wanaagsan ka ganacsiga bacahan.

Go’aanka lagu mamnuucay bacahan wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta deegaanka wuxuuna dalka ka dhigaya mid ka mid ah hogaamiyayaasha caalamiga ah ee dagaalka kula jira ka hortagga wasakhowga. Iyadoo laga wada shaqeynayo, bulshada waxay ka qayb qaadan karaan dadaallada nadiifinta iyo barnaamijyada wacyigelinta, iyagoo ujeedkoodu yahay in la abuuro deegaan nadiif ah oo caafimaad qaba oo ay ku noolaan karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo jiilasha mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here