Madaxweynaha JFS oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray xerada Balidoogle

0

AFGOOYE (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

 

Madaxweynaha ayaa tababar u soo xeray saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Komaandooska Danab kadib xaflad ka dhacday xeradaas oo  Gaashaanle Xasan Tuurre oo horay kooxda Al-Shabaab ugu dishay dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud.

Ciidamadan cusub ayaa ka qayb qaadan doono dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, waxaana la gayn doonaa furimaha hore ee dagaalka.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka, wuxuuna sidoo kale tababar iyo taageero siiyaa ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here