Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulamo ka wada Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan wax-ku-ool ah kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Joachim Waern oo ay wehliso Madaxa barnaamijka adkeysiga qaybta Soomaaliya Cecilia Kleimert.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda iyo adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Sweden uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, si gaar ah dhismaha Xarunta NEOC oo udub-dhexaad u ah arrimaha gargaarka deg-degga ah, isagoo xusay sida ay muhiim u tahay in xaruntaan oo kale laga hirgaliyo dowlad gobolleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here