Madaxweynaha Masar oo ku wajahan dalka Eritrea + Qorshihiisa

0

QAAHIRA (SMN) – Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa lagu wadaa in maanta uu booqdo Magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, sida uu sheegay afhayeenkiisa.’

 

Madaxweyne Al-Sisi ayaa halkaasi kula kulmi doona dhigiisa dalka Eritrea, Isaias Afwerki, si ay uga wada-hadlaan xiriirka labada dhinac iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa imaaneysa maalin keddib markii Magaalada Asmara uu gaaray wafdi uu hogaaminayo Maaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xog ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaysa in Madaxweyneyaasha dalalka Masar, Soomaaliya iyo Eritrea ay yeelan doonaan shir saddex geesood ah. Tani waxay muujineysaa suurto galnimada in ay yeeshaan iskaashi militari oo ka dhan ah Itoobiya, iyadoo ay cirka isku shareertay xiisada ka taagan Gobolka Geeska Afrika.

Bishii la soo dhaafay Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa shir saddex geesood ah ku yeeshay Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, iyadoona shirkaasi looga hadlay sidii loo xoojin lahaa hanaan siyaasadeed oo mira dhala, muhiimada ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka, iyo madax-bannaanida, midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhamaadka bishii Agoosto, Dowladda Masar ayaa Soomaaliya u soo dirtay markab siday hub iyo saanad ciiidan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Dowlada Masar ayaa sidoo kale taageero u muujiyay Soomaaliya xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Itoobiya kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu soo damaaciyay qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo ku doodaya in uu heshiis la soo galay Maamulka Soomaaliland.

Heshiiskan oo Soomaaliya ay ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, ayaa dalka ka saartay Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Muqdisho, iyadoona xusid mudan tahay in Soomaaliya ay heshiiskaas uga fal-celisay heshiis militari oo ay la soo gashay dowladda Masar oo xurguf dhanka biyah Nile kala dhaxeysa Itoobiya.

Toddobaadkii hore, la-taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya, Xuseen Macalin, ayaa mar kale caddeeyey in Soomaaliya aysan marnaba u oggolaan doonin Itoobiya in ay ku biirto howlgalka cusub Midowga Afrika, kaasi oo beddelaya kan ATMIS haddii aysan ka laaban heshiiska sharci darrada ay la soo gashay Somaliland.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed muddo labo billood in uu uga laabto heshiiskii ee uu la galay Maamulka Somaliland, isaga oona ku hanjabay haddii aysan taasi dhicn in uu dalka ka saari doono guud ahaan Ciidanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here