Ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland oo ku dagaalamay deegaan hoostaga Buuhoodle

0

BUUHOODLE (SMN) – Ciidamo kala taabacsan maamullada SSC-Khaatumo iyo Somalilad ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku dagaalameen deegaan hoostaga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid ka dagaal markii ay ciidamada Somaliland yimaadeen deegaanka  Qorilugad oo ay difaac uga jireen ciidanka SSC.

Sidoo kale waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada SSC-Khaatumo oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here